Xiisad culus oo ka dhex qaraxday Israel iyo Q.Midoobe

Oct 25 (Jowhar.com)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Cohen, waxa uu baraha bulshada kaga dhawaaqay in aanu la kulmi doonin kulan la qorsheeyay oo uu la yeelan lahaa madaxa Qaramada Midoobay.

Joojinta kulanka ayaa timid ka dib markii Xoghayaha Qaramada Midoobey Antonio Guterres uu sheegay in weeraradii 7-dii Oktoobar ee Xamaas aysan “iska dhicin” falastiiniyiintana “waxaa lagu hayey 56 sano oo caburin ah”. Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay “xadgudubyada cad ee ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada” ee Israel.

Cohen ayaa ku soo qoray bartiisa X/Twitter: “Lama kulmi doono Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Xasuuqii 7-dii October ka dib, ma jirto meel loo wajaho hab dheeli tiran. Xamaas waa in laga tirtiraa wejiga dhulka!”

Hadalka Cohen ayaa imaanaya kadib Danjiraha Israa’iil oo ugu baaqay Antonio Guterres inuu is casilo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More