Xiisad culus oo ka taagan magaalada Beledweyn oo lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda

Oct 07 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay magaalada Beledweyn loogu geystay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Macwuusleyda, iyadoo dilkiisa ay geysteen ciidan ka tirsan kuwa amniga magaalada Beledweyn.

Dilka sarkaalkan ayaa ka danbeysay kadib markii uu dagaal socday mudo kooban uu ku dhexmaray barkoontarool oo ku taala agagaarka buundada labaad ee xaafada Xaawa taako ee magaalada Baledweyne ciidan Macwuusley ah iyo kuwa amniga.

Dagaalkaasi waxaa lagu dilay ninka hoggaaminyay ciidankan macwuusleyda oo lagu magacaabi jiray Cumar Sheekh Cabdullaahi Cabdi, kaasoo ahaa nin si weyn looga yaqaanay gobolka Hiiraan.

Amaanka guud ee Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa aad u xumaa maalmahii lasoo dhaafay, waxaana magaalada gudaheeda iyo duleedkeedaba ka dhacay dilal loo geystay dad shacab ahaa, hayeeshee aan ilaa hada cidna loo soo qaban dilalkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More