Xiisad ka dhalatay soo jeedinta in madaxweynaha Kenya mudada loo kordhiyo

Sep 25 (Jowhar.com)- Mid ka mid ah Senatarada ka tirsan isbaheysiga talada haya ee Kenya ayaa soo jeediyay in muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha oo lagu daro muddo labo sano ah lagana dhigo xilliga xil hayntiisa 7sano.

Senetarka Nandi Samson Cherargei ayaa sheegay in madaxweyne William Ruto, oo xilka hayay wax ku dhow hal sano, laga yaabo inuusan haysan waqti ku filan oo uu ku soo bandhigo oo uu kufuliyo balamahii uu dadweynaha ka qaaday xiligii ololihiisa Doorashada.

Si kastaba ha ahaatee, soo jeedintan ayaa carro ka dhex dhalisay qayb ka mid ah shacabka Kenya iyadoo mucaaradka ay ku eedeeyeen dowladda inay waddo qorshe lagu baabi’inayo xaddidaadda muddada xilka madaxweynaha.

Taas beddelkeeda, waa in afar sano laga dhigaa midkiiba hal xilli lix doorasho oo soo socota, tani waa sida kaliya ee la hubo ee lagu keeni karo isku-duubni qaran, loogana hortagayo in dano gaar ah la isku dhex-geliyo, si dastuurigu si buuxda u hirgalo. Isticmaalaha X la dhejiyay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More