Xildhibaan C/llaahi M. Nuur “Farmaajo waxa uu doonayaa in muddo kordhin loo sameeyo”

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ka dhawaajiyay dhaq dhaqaaq xooggan ay wadaan siyaasiyiin oo ku aadan muddo kordhin, isagoo caddeeyay in arrintaas uu gadaal ka riixayo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Waxaa jira dhaq dhaqaaq xooggan ay wadaan siyaasiyiin oo ku aadan muddo kororsi, gaar ahana golaha shacabka, Baarlamaanka waqtigiisa waa dhamaaday hadda muddo kordhin kuma sameyn karo muddo xileedkii hore.

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay inay arrintaas aad uga soo horjeedaan, in muddo kordhin la sameeyo, isagoo ku tilmaamya arrintaas haddii ay dhacdo burcadnimo siyaasadeed.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ayaa gadaal ka riixaya, waxaana kala shaqeynaya xubno ka tirsan Guddoonka Golaha Shacabka, sababaha maanta dib loogu furayo Baarlamaanka waa muddo kororsi”ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ku qulqulaya Xarunta Villa Hargeysa, iyadoo shalay farriimo qoraaleed loo soo diray uu ahaa ajandihiisa caabuqa coronavirus, hase ahaatee shaki badan laga qabo in ajande kale ku hoos-qarsan yahay, gaar ahaan hadal heynta maalmahan soo baxeysay oo ahaa muddo kordhin labo sano ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More