Xildhibaan Ceymoy oo la doortay xilli uu Musharaxii la tartamayay ka maqnaa goobta doorashada

Maxamed Cumar Ceymoy ayaa markale loo doortay xildhibaan Golaha Shacabka kadib markii musharaxii la tartamayay oo goobta doorashada ka maqan ay wada tartameen.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cumar Ceymooy ayaa helay codad gaaraya 73 Cod halka musharax Maxamed Cumar Cali oo aan goobta doorashada iman uu helay codad gaaraya 13 cod kursiga Hop055 .

Waa markii ugu horeysay ee doorashada Golaha Shacabka sanadkan uu doorashada ka qeybgalo musharax aan goobta ku sugneyn balse qaatay shahaadada musharaxnimada.

Farxiyo Maxamuud Dhaqane ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#052 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Jowhar.

Sidoo kale waxaa markale la doortay Dahabo Suusoow Maxamuud oo ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay #Hop088 Ka dib markii aay tanasushay masharaxadii la tartameysay ergada ayaana cod gacan taag ah ugu codeeysay dahabo Suusow Maxamuud.

Waxaa ilaa hadda dib loo doortay afar xildhibaan oo hore uga tirsanaa baarlamaankii 10aad,waxaa lagu wadaa in sidoo kale dib loo doortay labo xildhibaan oo hore uga tirsanaa baarlamaankii hore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More