Xildhibaan Macalimuu oo sheegay in 11 qof oo ehelkiisa ah lagu dilay Xayaat Hotel.

August 20 (Jowhar.com- Xildhibaan Mohamed Ibrahim Moalimuu oo ka tirsan golaha shacabka ayaa Warbaahinta u sheegay in 11 Qof oo Ay qaraabo yihiin Ay ku geeriyoodeen Weerarkii Hotel Hayat ,kuwaasoo shir uga socday hoteelka xiliga weerarka uu dhacayay.

Xildhibaanka ma bixin faah faahinta in dadkaasi ay ku wada geeriyoodeen qaraxyada iyo toogashooyinka ay geysanayeen dableyda hoteelka gashay.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka xildhibaanka:

Tolka qasaare ba’an ayaa ka soo gaaray weerarka hotel Xayaat.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ah Eebe ha bogsiiyo, runtii waa dhacdo xanuun badan oo ay naftooda ku waayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Gugundhabe 11

Baadicadde 9
Jidle 2

1.Xaji Bashir X.Suleymaan Muxumed
2.C/rashiid Cabdi Axmed
3.Shahiid Axmed Cumar
4.Axmed C/aahi Ibrahim
5.C/aahi Abiib Maxumed
Wa kuwaa Magacyada Oo Dhameystiran
6 Maryan Shiikh Cali
7 Abdirashid Nuunow
8 Yusuf Mahad Barrow
9 Ahmed Cali Xaaji
10 Nasra Ahmed Cali (Nasra Shiine)
11 Seynab Abdi Maqaar

Waxa intaa dheer in kaloo dhaawac ah oo cisbitaalada la dhigay oo Eebe uga baryeyno inuu bogsiiyo.

Waxa aan u mahad celinayaa Ciidamada Amaanka oo tiro kale oo ay ku jiraan dad wax gal u ah beesha soo badbaadiyay.

Dadkaas waxa dilay gacan ka xaq daran , waqtigooda ayaa inta ku ekaa , Ilaah waxa aan uga rajeyneynaa Jannatul Fardowsa

Waxa aan sidoo kale tacsi u dirayaa dhamaan inta ku dhintaan weerarkaas oo ay ku jiraan rag aan saaxiibo aheyn.

Innaa Lilaah Waa Innaa Ileyhi Raajicuun.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More