Thursday, March 26, 2026
Home NEWS Xildhibaan Murjaan oo sheegay in xubno NISA ka tirsan ay fariimo hanjabaad...

Xildhibaan Murjaan oo sheegay in xubno NISA ka tirsan ay fariimo hanjabaad dil ah usoo dirayaan

53
Screenshot

Mar 26(Jowhar)-Xildhibaan Murjaan wuxuu kamid yahay xildhibaanada Federaalka ee deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed, waxaa dhawaan laga mamnuucay in uu dalka ka baxo iyo in uu aado deegaankiisa, taas oo uu sheegay in Hay’addaha amniga ay ka shaqeeyeen.

Markale wuxuu sheegay in fariimo handaad ah uga imaanayaan Hay’addaha amniga DFS oo lagu cabsigalinayo, tan oo muujinaysa heerka ay dhinacyadu isla gaareen.

Taliyihii hore ee Asluubta Jen Mahad Cabdiraxmaan ayaa laga dhigay xabsi guri, sabab la xariirta Khilaafka Baydhabo iyo si dawladda u hesho Laftagareen, talaabooyinkan ayaa hilaadinaya halka ay dawladnimada Soomaaliya joogto.