Xildhibaan Sareedo oo mar kale ku guuleysatay doorashada kursiga HOP#154

April 21 (Jowhar.com) -Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla ayaa goordhow ku guileysatay doorashada kursiga HOP#154 ee deegaan doorashadiisa ay tahay maamulka Koofur Galbeed.

Guusha Sareeda Maxamed Cabdalla ayaa timid kadib markii ay u tanaasushay musharrax Nasteexo Maxamed Yuusuf, ka hor tartanka, iyadoo cod gacan taag ah oo la qaaday ay u codeeyeen dhamaan ergadii goobta fadhisay.

Kursiga HOP#154 waxaa hore u dalbay in doorashadiisa lagu celiyo guddiga FEIT, waxeyna doodooda sabab uga dhigeen in xildhibaanada aysan la tartamin qof qaan gaar eheyn.

Dib u celinta kursiga xildhibaan Sareedo ayaa qeyb ka ahaa buuq todobaadyo taagnaa oo u dhexeeyay Koofur Galbeed, FEIT iyo ra’iisul wasaare Rooble, iyadoo markii danbe xal la gaaray kadib markii la fasaxay kuraastii hore u doonayeen iney ugu tartamaan Jawaari iyo Wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Jaamac oo horr doorashadooda in dib loogu celiyo loo amray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More