Xildhibaanaa Puntland oo simay awoodaha xilka qaadista madaxda sare

Xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta ansixiyay talo uu hory u soo jeediyay guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaaday Cabdixakiin Dhoobo Daareed, oo ahayd in la simo awoodaha xilka qaadista madaxda sare ee Puntland.

Golaha ayaa u codeeyay in guddoonka Baarlamaanka ay ridi karaan saddex milood labo meelood (2/3) tirada xubnaha Golaha, halkii ay horay u ahayd kala bar iyo hal (1/2+1 ) tirada Golaha.

34 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa ogolaaday qaraarkan, waxaana diiday10 mudane, halka ay ka aamuseen 4 mdane.

Qaraarkan ayaa sidoo kale dhigaya in eedeynta guddoonka Golaha ay ogolaadaan ugu yaraan kala bar iyo hal (1/2+1 ) tirada golaha.

Intii Puntland jirtay ayaa xilka laga xayuubiyay dhowr guddoomiye Baarlamaanka, waxaana ugu dambeeyay Dhoobo Daareed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More