Sunday, March 1, 2026
Home NEWS Xildhibaanada labada aqal ku metela Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay Magaalada...

Xildhibaanada labada aqal ku metela Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay Magaalada Muqdisho

32

Mar 01(Jowhar)-Xildhibaanada kasoo gala Baarlamaanka Soomaaliya labada maamul ee Puntland iyo Jubaland ee aan ku jirin golaha Xukuumadda ayaa saaka ka baxay magaalada Muqdisho, waxay u jihaysteen magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe.

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa maamuladooda dib ugu laabanaya kaddib markii Madaxtooyada Soomaaliya ay ka biyo diiday in hanaanka siyaasadda dalka laga heshiiyo, Guddoomiyaha Golaha Shacabkuna uu ku adkaystay inuu maalinta Arbacada ah uu dhammaystirayo laalista dastuurkii 2012 ee heshiiska lagu ahaa.

Sida ilo xog-ogaal ah ay sheegayaan labada maamul ayaa aad uga niyad jabay hab maamulka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana soo baxaya guux wayn oo ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya.

Garoowe ayaa laga soo sheegay in shir wayne aayo-ka-tashi lagu qabanayo, lama xaqiijin jihada ay Puntland aadayso, hase ahaate waxaa macquul ah in markale uu dhaawac gaaro midnimada iyo wadajirka Soomaaliya ama ugu yaraan uu meesha ka baxo in Puntland dib ugu soo laabato Muqdisho kaddib dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh, haddii aan heshiis siyaasadeed lagaarin.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la gaarsiiyay halka xaalka dalku marayo ayaa aqbalay wadahadal cusub, hase yeeshe dhanka Puntland lagama soo dhawayn, waxayna uu muuqaata in wadatashi kaddib ay waxkala cadaanayaan.