Xildhibaannadii xasaanada laga qaaday ee Puntland oo go’aan ku gaaray inay diidaan…

8-dii Xildhibaan ee ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo maalin ka hor xasaanada laga qaaday ayaa shaaca ka qaaday inay weli ka tirsan yihiin Baarlamaanka Puntland, ayna tagi doonaan xarunta Baarlamaanka.

Xildhibaannadan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni inuu gadaal ka riixayay tallaabada xasaanadda loogala laabtay, si aan loola xisaabtamin.

Waxaa ay sheegeen in aysan aqbali doonin xil ka xayuubinta, isla markaana ay u mari doonaan hannaan sharci ah burinta xasaanad ka qaadistooda.

Sidoo kale waxaa ay beeniyeen eedeymaha loo cuskaday oo aan sifo sharci ah loo marin xasaanad ka qaadidooda, ayna aheyd arrin siyaasadeed.

Cabdijamaal Cusmaan oo ka mid ahaa xildhibaannada shirka jaraa’id qabtay ayaa si kulul u weeraray Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, isagoo ku tilmaamay inuu soo galay meel aan meeqaamkiisa aheyn, maadaama uu ka yimid Gole Fan.

“C/rashiid nin abwaana weeye golaha fanka aad buu ugu fiicnaan lahaa, Golihiisii buu ka yimid , mid kaloo aan maqaamkiisa ahayn ayuu soo galay , wuxuuna noqday maykarafoon lagu hadlo oo wax la faro , wixii baarlamaanka ka dhacay wuxuu isagu keenay maaha , ee waa fariin uu soo faray madaxweyne Deni”ayuu yiri. Cabdi Jamaal Cusmaan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More