Xildhibaano ku geeriyooday qarax xooggan oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Sep 11 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu ka dhashay qarax Miino oo ka dhacay deegaabka Ceelgaras.

Qaraxan oo ahaa Miino ayaa qabsatay gaari ay wateen xildhibaan Hon Mohamed Mohamud iyo xildhibaan Cabdulaahi Ibraahim oo kala ah mudane ka tirsan baarlamaanka Galmudug iyo xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Dhuusa-mareeb, kuwaasoo isla goobta ku geeriyoodau.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro dhaawacyo kale oo ka dhashay qaraxa oo gaaray askar ilaalo u eheyd xildhibaanadan.

Ciidamada amaanka ayaa durba gaaray goobta, iyagoo soo qaaday meydadka iyo dhaawacyada, waxaana la keenay magaalada Dhuusa-mareeb.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More