Xildhibaano kulan ugaga socda Hotel Decale ee magaalada Muqdisho

Xildhibaano Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa hadda shir uga socdaa hoteelka Decale oo ku yaala gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa kulankooda ugaga arinsanaya in haddii wada-hadalka u dhexeeya dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada uu guul dareesto ay tahay in Baarlamaanka Soomaaliya lagu celiyo doodda Doorashada.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ay doonayaan in baarlamaanka uu muddo kordhin u sameeyo madaxweynaha isla markaana doorashooyinka ay noqdaan kuwo qof iyo cod ah maadaama laga heshiin waayay doorashada dadban.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More