Xilliga ay dhacayso doorashada Aqalka Sare Jubbaland oo la shaaciyay

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Jubbaland ayaa maanta shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada afarta kursi ee ka dhiman aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland, kadib markii Axmed Madoobe uu xalay shaaciyay musharixiinta ku tartaneeysa Afarta kursi.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa sheegay in Maalinta Berito ah la diiwaangelin doono musharixiinta Aqalka Sare, halka Maalinta Khamiista ah ay dhici doonto doorashada Afarta kursi ee Aqalka Sare uga harsan Maamulka Jubbaland.

Maamulka Galmudug ayaa la filayaa in sidoo kale uu ku dhawaaqo dhawaan qabashada labada kursi ee uga haray Aqalka Sare si loo billaabo doorashada Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More