Xilliga uu dib u furmayo Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka 11aad oo la shaaciyay

Oct. 30 (Jowhar.com) -Guddoomiyeyaasha Labada Gole (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare) ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa kulan wadatashi ah ka yeeshay furitaanka Kalfadhiga 2aad Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyaga oo ka wada hadlay goorta iyo maalinta la qaban karo kulan wadajir ah oo lagu furayo Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka 11aad.

Qoraal ka soo baxay guddoonka labada gole ayaa lagu sheegay in Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka 11aad uu furmo maalinta Talaadada ah ee ku beegan 15/11/2022.
Xildhibaano iyo Senataro badan oo ka tirsan labada gole ayaa dalka arrimo kala duwan uga maqan waxaana furitaanka kalfadhigan uu ku soo beegmayaa xilli dawlada Soomaalia ay shaacisay in dalka uu dagaal ku jiro.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay xoghaynta labada gole;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More