Xisbiga Himilo Qaran oo ka digay boobka xaafdaha saraakiisha ee degmada Xamar Jajab

25

Dec 03(Jowhar)-Xisbiga Madaxweyne Shekh Shariif ee Himilo Qaran ayaa kadigay boobka Xaafadaha saraakiisha Ciidanka ee Serandi,Shelare,Buula-wekiyo iyo Fardooley ee degmada Xamar-jajab.

Xisbiga Himilo Qaran oo ka walaacsan tacadiyada ka socda Muqdisho ee lagu barakicinayo bulshada danyarta ah iyadoo ciidanka Qaranka loo adeegsaday ayaa war saxaafadeed kasoo saray arintaas.

Xisbiga ayaa sidoo kale wuxuu dowladda ugu baaqayaa joojinta ficilladan sharci darrada ah iyo in lala xisaabtamo cidda ku lug leh.

Xisbigu wuxuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir ay qaadaan tallaabo cad oo lagu difaacayo xuquuqda muwaadiniinta, laguna joojinayo ku tumashada sharciga.