Xisbullah oo gantaalo ku garaacday Isra’il iyo Wararkii u dambeeyay ee Qaza

Nov 02 (Jowhar.com)- Kooxda fadhigeedu yahay dalka Lubnaan ee Xisbullah ayaa sheegtay in ay isku mar gantaalo ku weerartay fariisimaha militariga ee ku yaal xadka gelinkii dambe ee maanta.

Waxa ay sheegtay Xisbullah in ay ku beegsatay fariisimaha gantaalada laga hago, madaafiicda iyo hub kale.
Dagaalka ka socda xudduudaha ayaa kordhay ka hor inta uusan jeedin khudbadda aadka loo wada sugayo madaxa Hezbollah Nasrallah ee lagu wado inuu berri jeediyo.

Khudbadda Jimcaha ee la filayo in hoggaamiyaha Xisbullah, Syed Hassan Nasrallah uu ka jeediyo dagaalka Israa’iil ee Gaza, kaas oo dadka deegaanka iyo khubaradu ay ka cabsi qabaan in uu sii hurin karo xiisadda gobolka haddii uu ballan-qaado inuu kordhinayo weerarrada ka dhanka ah Israa’iil.

Dagaallada u dhaxeeya Xisbullah iyo Israa’iil ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka socday xadka ay wadaagaan labada

dal.
Kooxda hubaysan ee Lubnaan ayaa sheegtay inay ka dhinteen 47 dagaalyahan halka Israel ay sheegtay in lix ka mid ah askarteeda la dilay. Ugu yaraan lix qof oo rayid ah ayaa sidoo kale la dilay.

Abu Obaida oo sheegay in dagaalyahanada Xamaas ay qaadeen howlgal guul leh

Abu Obaida, oo ah afhayeenka garabka hubaysan ee Xamaas, ayaa sheegay in dagaalyahanada Qassam Brigades ay sii wadeen fulinta hawlaha guusha leh ee ka dhanka ah milatariga Israel.

Bayaan muuqaal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in dagaalyahanadu ay dileen tiro badan oo ciidamada Israel ah, isaga oo aan bixin faahfaahin dheeri ah ama tiro cayiman.

“Dagaalyahannada Guutooyinka Qassam ayaa weeraray ciidamada Israa’iil iyagoo adeegsanaya gantaalada ka hortagga hubka, iskahorimaadyada tooska ah iyo iyagoo ka soo tuuraya bambooyinka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn”, ayuu yiri Abu Obaida.

“Dagaalyahannadeenu waxay ka soo baxaan si ay ula dagaallamaan askarta Israa’iil halka ay ugu yaraan ka filanayaan,” ayuu sii raaciyay.

UNRWA oo sheegtay in afar Xarun ay waxyeelo ka soo gaartay duqeymaha magaalada Gaza 24-kii saac ee lasoo dhaafay

Guddoomiyaha Hay’ada Qaramada u qaabilsan gargaarka Falastiin Philippe Lazzarini ayaa sheegay in weerarada lala beegsadanayo xarumaha ay dadka barakacay ku jiraan ay sii korortay.

Duqeyn loo geystey Iskuul ku yaalla xerada qaxootiga ee Jabalia, ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof, shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Iskuul kale oo ku yaal xerada qaxootiga ee xeebta ee waqooyiga Gaza, ayaa la sheegay in hal cunug lagu dilay. Labo iskuul oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Al Bureyj, ayaa sidoo kale la sheegay in labo qof ay ku dhinteen 31 kalena ay ku dhaawacmeen

UNRWA waxay sheegtay in dugsiyadii isu rogay hoyga la weeraray ay martigelinayaan ku dhawaad ​​20,000 oo qof.

“UNRWA ay hadda martigelinayso ku dhawaad ​​700,000 oo qof. 25 ka mid ah hoygan ayaa ku yaal waqooyiga Gaza, oo ay ku nool yihiin 112,000 oo qof,” ayuu yidhi Lazzarini. 72 ka mid ah shaqaalaha UNRWA ayaa lagu dilay dagaalka ilaa hadda.

102 baabuur oo sida gargaar oo galay magaalada Gaza iyagoo sii maray Rafah

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in 102 baabuur oo gar-gaar bini’aadantinimo ay soo galeen marinka Qaza iyagoo soo maray marinka xadka Rafah.

” Sahayda ay sidaan gaadiidkan waxaa ka mid ah cunto, biyo, sahay gargaar, daawooyin, iyo qalab caafimaad”,ayay ku daabacday barteeda X hay’ada Bisha Cas ee Falastiin.

“Laakin wali looma helin ogolaansho in shidaal la keeno”, ayay raacisay.

Baxrayn oo xaqiijisay in safiirkii Israa’iil uu ku laabtay dalkiisa, ergaygii Israa’iilna uu ka baxay dalkeeda

Baxreyn ayaa xaqiijisay in safiirkeedii u fadhiyay Israa’iil uu ku laabtay dalkiisa. Waxa kale oo ay sheegtay in safiirka Israa’iil ee Manama uu ku laabtay dalkiisa.

Baarlamaanka Baxreyn ayaa mar sii horreysay ku dhawaaqay tillaabooyinkan, isagoo sheegay in safiirkii u fadhiyay Israa’iil dib loogu yeeray si uu u taageero “qadiyadda Falastiiniyiinta iyo xuquuqda sharciga ah ee dadka reer Falastiin”.
Baxrayn ayaa xiriir diblumaasiyadeed la sameysatay Isra’il sanadkii 2020.

Maraykanka oo ku cadaadinaya Israil inay joojiso weerarka Gaza

Diblumaasiga ugu sarreeya Mareykanka, oo lagu wado inuu yimaado Israa’iil Jimcaha, si uu ula kulmo Netanyahu iyo mas’uuliyiinta kale ee dawladda Israel, ayaa la filayaa inuu ka codsado xabad joojin kooban sida lagu daabacay wargeyska New York Times.

“Hakinta ayaa looga dan lahaa in lagu xaqiijiyo sii daynta maxaabiista lagu hayo Gaza iyo in gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah la geliyo dhulka la duqeeyay,” ayuu daabacay wargeysku.

Washington ayaa sii waday inay diido inay taageerto baaqyada xabbad joojinta tooska ah ee Gaza, iyadoo ku doodeysa in tallaabadan oo kale ay faa’iido u leedahay Xamaas.

Laakiin xalay, Madaxweyne Joe Biden ayaa markii ugu horreysay ka dhawaajiyay taageerada hakinta duqeynta si maxaabiista looga saaro dhulka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More