Xog laga helay kulamo uu Farmaajo ka wado Xamar!

July 31 (Jowhar.com) Madaxweyne hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo tan iyo markuu xilka ka degay ku sugnaa Xamar ayaa waxa uu waqtiga ugu badan geliyaa kulamo u muuqda is-daahirin siyaasadeed, kuwaas oo uu si hoose ugu bartilmaameedsado dad qaab qabiil ah loogu soo xulay.

Si aan xog sugan uga helno kulamadaan ayaa waxaan la hadalnay xubno kala duwan oo ka mid ah dadkii ka qeyb galay, waxayna nala wadaageen dhowr qodob oo uu inta badan Farmaajo diirradda saarayay :

1. Dadka uu la kulmo oo beelaha Muqdisho u badan markii aan gooni gooni ula hadalnay waxaan ogaanay inuu qola walba marka ay la joogto uu qolooyinka kale eedeeyo, isaga oo kuwa markaas la jooga is xijinaya. Tusaale ahaan, dad beesha Mudullood u dhashay waxa ay noo sheegeen inuu aad uga cabanayay beesha Habargidir, halka qola Habargidir ahna ay ku warrameen inuu odaygu si xooggan u dhaleeceynayay Abgaal, isaga oo dhahaaya “Abgaal waxay igu diideen inaan Habargidir Raysalwasaare ka dhigtay, Rooblena waa kaas nin aanan reerkiisa ahayn u ololeeyay ee maxaad faa’iiddeen?”

2. Wuxuu isku dayay inuu dadka uu la kulmay ka qanciyo qaladaadkii waaweynaa ee uu maamulkiisu sameeyay, sida weerarradii Madaxda iyo siyaasiyiinta Muqdisho. Si uu falalkaas isaga fogeeyana, waxa uu eedda dusha ka saaray Raysalwasaare hore Xasan Kheyre. Si gaar ah waxa uu dad ku heyb ah siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur u sheegay in weerarkii lagu qaaday gurigiisa uu ka dambeeyay Kheyre, xittaa inuu ku dhawaaday xilka inuu ka qaado.

3. Guuldarradiisii qeyb ka mid ah wuxuu ku eedeeyay Qoorqoor iyo Guudlaawe, asagoo ugu abaalsheegtay inuu nimankaas siiyay xilal aysan u qalmin, balse ay ku abaal-dhaceen oo ka shaqeeyeen inuu isagu kursiga waayo.

4. Xulashadii Raysalwasaare Rooble oo wax laga weyddiiyay waxa uu ku dooday in uu isagu rabay inuu Cali Maxamed Geeddi magacaabo, laakiin waxaa taas ka hor yimid Guudlaawe oo in nin Abgaal ah la keeno diiday, dhinaca kale dadka ku heybta ah Rooble wuxuu u sheegay inuu isku dayay inuu soo nooleeyo xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyay labada beel sida Isbaheysigii Dooxada Jubba, laakiin uu Rooble la fahmi waayay.

5. Dhammaan dadka uu la kulmay waxa uu ugu celceliyay in Axmed Madoobe uu yahay kansar halis ku ah siyaasadda Soomaaliya, waajibna ay tahay in laga adkaado [waa isla hadalkii uu beri dhawayd wareysiga ku sheegay Fahad].

Sidoo kale arrinta Gedo oo uu ka hadlay waxa uu ku tilmaamay inay tahay caqabad weligeed jiri doonta oo Madaxweyne Xasan Sheekhna uu la kulmi doono

6. Jabuuti iyo waxa uu ka aaminsan yahay ayuu fadhiyadaan is-daahirinta ah ugaga hadlay, isaga oo si daran u weeraray Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti, oo uu ku sifeeyo nin diiddan Soomaaliya oo dawlad adag noqota, balse iska dhigo Oday Soomaaliyeed.

Inta badan hadaladiisa waxay ahaayeen gar-naqsi, isagoo iska barri-yeelay inuu Keligii-taliye yahay, wuxuu xusay in maamulkiisa la dirireen hal Qabiil (Hawiye) waxaa uu Rooble ku sifeeyay inuu ku abaal dhacay, isla markaana uu qabiil qaaday.

Marka si qoto dheer loo odorroso kulamada Farmaajo ee waxgaradka beelaha Muqdisho waxaa soo baxaya inu abuurayo kala shaki ku talagal ah si ay u saameyso siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh oo hada geed fadhi u yihiin Siyaasiyiinta beelaha Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More