XOG: Madaxweyne Xasan oo ku wajahan dalka Kenya

39

Dec 24(Jowhar)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ku tegaya magaalada Nairobi todobaadkan si gaar ah waxaa la xaqiijinayaa maalinta Sabtida ah ee 27ka bishan Diisambar.

Booqashada Madaxweynaha ayaa imaanaysa kaddib safarkii halka maalin ahaa uu Addis Ababa ku tegay 20kii Diisambar.

Saddax maalin kaddib kulankii dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaare Abiye Ahmed, waxaa magaalada Addis Ababa ku kulmay Madaxweynaha Kenya iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya. Xogaha ayaa sheegaya in ajandayaasha shirka madaxda Kenya iyo Itoobiya ay meel sare kaga jirtay xaaladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si wayn deddaal ugu jira inuu ka miradhaliyo ajandihiisa qaran ee ku wajahan hoggaamintiisa Soomaaliya.

Safarkiisa ayaana imaanaya xilli maalin ka hor la kordhiyay joogitaanka ciidamada Hawlgalka Afrika (AUSSOM) ee Soomaaliya jooga iyo laba maalin kaddib markii uu Maraykanku dib u ceshaday dhammaan danjirayaashiisa ka joogay dalalka IGAD marka laga reebo Kenya.