Nov 05(Jowhar)-Wada xaajoodyadii Kismaayo ayaa caawa natiijo la’aan ku soo dhammaaday, dhanka Villa Somalia waxay u joogtaa wali wixii ka horreeyay 6 October 2024.
Halka Madaxtooyada Jubbaland ay lama taabtaan u tahay doorashada 24 November 2024, mana jirto wax tanaasul ah oo dhinacyada ka sameeyeen mowqifyadoodii hore.
Markii wad hadalada la isku mari waayay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa u hoyday Aqalka Madaxtooyada Kismaayo, halka wada hadalada ka socdeen oo ah guriga Martida Kismaayo ee Badda saaran uu ku sugan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa, oo caawa halkaas ku hoyanaya.
Ilo wareedyo laga helayo dhinacyada ka ag-dhaw Guriga Martida Kismaayo ayaa sheegaya inay jirto rajo isu-soo dhawaansho, maalinta berrina la balamay, dhanka wafdiga dowladda Kenya ee wada hadalka garwadeenka ka ah ayaa wada dadaalo badan sidii wada xaajoodka uu mira dhal u noqon lahaa.