Xoghayaha A Dibada ee Mareykanka Blinken oo NATO u balan qaaday

Maalintii Talaadada, Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken wuxuu balan qaaday inuu dib u dhiska iyo soo nooleyn doono gaashaanbuurta gaashaan buurta NATO iyo inuu la wadaagi doono qorshayaasha Mareykanka ee ku aadan ka bixitaanka Afghanistan

Booqashadiisii ​​ugu horreysay ee xarunta NATO, Blinken wuxuu sheegay in isbahaysigu uu ahaa xilli aad u muhiim ah marka loo eego hanjabaadaha adduunka, iyo sidoo kale isbedelka cimilada.

“Waxaan halkan u imid inaan muujiyo sida ay uga go’antahay Mareykanka (NATO),” ayuu Blinken u sheegay suxufiyiinta markii uu la kulmay Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg. “Mareykanku wuxuu rabaa inuu dhiso iskaashigeenna, oo ay ugu horreyso xulafada NATO, waxaan dooneynaa inaan soo nooleyno isbahaysiga.”

Ka dib afar sano oo khilaaf ka taagnaa Washington intii uu madaxweynaha ka ahaa Donald Trump, oo sheegay in isbahaysigu uu duugoobay, xulafada NATO ee reer Yurub ayaa sidoo kale soo dhoweeyay isbedelka codka ee madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden.

Stoltenberg wuxuu aqoonsaday aagagga NATO lagu casriyeyn karo muddada dhexe – laga bilaabo ficil-celinta cimilada illaa maal-galinta waarta ee hawlgallada millatari – waxayna u baahan tahay taageero Mareykan ah,

Markii la weydiiyay suurta galnimada ka bixitaanka Afghanistan, Blinken wuxuu sheegay in dib u eegis Mareykanku ku sameynayo waxyaabaha kale ay wali socoto oo uu dhageysan doono lana tashan doono xulafada. Wasiirada arimaha dibada ee gaashaan buurta NATO ayaa labada maalmood ee soo socota waxa ay ka wada hadli doonaan xaalada dalka Afghanistan ee Brussels.

“Waan isla galnay, waanu isla waafajinnay, markii waqtigu ku habboon yahayna waan isla tagnay,” ayuu Blinken ka yiri ku lug lahaanshaha reer galbeedka ee dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More