Xoghayaha golaha shacabka oo sheegay iney beri dhaceyso dhaarinta xildhibaanada

April 13 (Jowhar.com)- Xoghayaha guud ee golaha shacabka C/Kariin Buux ayaa sheegay inaan waxba iska bedelin jadwalka dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, beri oo Khamiis ah ayey dhaarta ka dhaceysaa teendhada Afisyooni ee xeynsaabka Xalane.

“Beri hadii ilaahay yiraahdo xildhibaanka oo wata aqoonsigiisaa waxuu imaanayaa akadamiyada tababarka Ciidanka Booliska ee Generaal Kaahiye (police academy) saacadu markay tahay 9.30 aroornimo, Halkaa ayaa basas looga qaadayaa Xildhibaanada oo lagu geynayaa Teendhada Afasiyooni oo ah goobta xaflada dhaarintu ka dhacayso” ayaa lagu yiri qoraalka Buux.

Buux ayaa dhinaca kale mudanayaasha u sheegay in gawaarida iyo askarta ay wataan ay uga tagayaan Dugsiga tababarka Booliska ee Genaral Kaahiye, iyadoo lagu qaadi doono basas dhaadheer oo ay howlwadeenada baarlamaanka u diyaariyeen.

“Baabuurtiina iyo askartiin waxaa uga tageysaan barxada Dusiga tababarka Booliska ee Genaral Kaahiye, Xildhibaanada Degan Agagaarka Airporka Waa In Ay Yimaadaan Saldhiga Airporka Halkaas Oo Loogu Diyaariyey Basaki Ka Qaadi Lahaa Islamarkana Uu Geyn Laha Goobta Dhaarinta” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Go’aankan ayaa yimid kadib markii xal hordhac ah laga gaaray tabashada Koofur Galbeed, saddexdii kursi ee laga xanibay ayaa la soo sheegayaa in laba kamid ah loo fasaxay, halka midka saddexaad oo ah kii ay soo qaadatay xildhibaan Sareedo dib doorashadiisa loo qaban doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More