Xoghayaha guud ee Q.Midoobe oo todobaadkan kusoo wajahan Soomaaliya

Apr. 08 (Jowhar.com)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guatters ayaa todobaadkan gudihiis kusoo wajahan Soomaaliya, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay laanta afka carabiga ee warbaahinta Qaramada Mdioobe.

Mr.Gutters ayaa socdaalkiisa qeyb ka ah safarada sanadlaha ah ee uu sanad wlaba bisha Ramadaan ku tago dal kamid ah dalalka ay ku badan yihiin dadka muslimiinta ah, isagoo sanadan doortay Soomaaliya.

Inta uu ku sugan yahay Soomaaliya waxa uu la kulmi doonaa madaxda dowladda Soomalaiya, kuwa hay’adaha Qaramada Midoobe,. Ururada bulshada rayidka iyo ciidamada ATMIS ee taageerada ka helo UN-ka.

Waxa uu xanbaarsan yahay fariin culus oo uu ku baaqayo midnimo iyo nabad, isagoo hoosta ka xariiqay baahida muhiimka ah ee loo qabo xasilloonida gobollada ay colaaduhu ragaadiyeen sida Soomaaliya.

Gurmad deg deg ah ayuu u dalbi doonaa dadka ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaada ka jira qeybo kamida gobolada dalka, si hay’adaha deeqaha bixiya ay kaalmo bini’aadanimo ula soo gaaraan.

Si kastaba, Soomaaliya, oo qarka u saaran macaluul baahsan, ayaa wajaheysa caqabado ba’an oo sababay in ku dhawaad kala bar dadkeeda – 8.25 milyan oo qof – ay u baahan yihiin gargaar nafo-badbaadin ah ama ilaalin.

Sidoo kale, waxaa dalka ka dhacay weerarro xooggan oo ay geysanayaan maleyshiyaadka Al-Shabaab. Soomaaliya waxa ay la tacaaleysaa xaaladaha cimilo xumo ee sii kordhaysa ee ka dhashay isbedalka cimiladu, sida abaaro daba dheeraaday iyo fatahaado khasaare geystay.

Antonio Guterres ayaa horey 7 bishii Maarso ee sanadkii 2017 booqashadii ugu horeysay ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana booqashadan oo aan weli mudeynin ay noqon doontaa markii uu labaad ee uu booqdo Somalia tan iyo markii loo magacaabay xilka xoghaya guud ee Qaramada Midoobay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More