Xogta halka laga soo tuuray madaafiicda saaka lagu soo garaacay xaafado kamid ah Muqdisho

Oct 01 (Jowhar.com)- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay tiro madaafiic ah oo saaka kusoo dhacay qeybo kamid ah xaafadaha degmooyinka Wadajir, Dharkiinleey iyo Kaxda, kuwaasoo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaafiicdan oo tiradooda ay gaareyso ilaa 8 Hoobiye ay qaarkood ku djeceen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, iyadoo meelaha qaar laga soo warinayo inuu jiro khasaare xooggan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo warramay in xaafadda Tarabuush ee degmada Wadajir hoobiye ku dhacay uu khasaare xooggan gaarsiiyay qoys halkaasi ku noolaa, waxaana socota gurmadka loo fidinayo dadka waxyeelada kala duwan ay gaartay.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa kusoo waramay in madaafiicdan laga soo tuuray xaafado kamid ah degmada Kaxda, iyadoo halkaasi ay laba goor tageen xubno Shabaab ah oo gawaari dheereeya ku watay hoobiyayaasha, halkaasoo ay ka soo tureen.

Ciidan uu hoggaaminayo taliyaha qeybta Galbeed ee ciidanka booliska Gaashaanle Mooshin ayaa howlgalo ka wada xaafadaha degmada Kaxda, waxeyna halkaasi ka baadi goobayaan ragii madaafiicda kusoo garaacay caasimadda.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkan iyo xaaladda kacsanaanta ah ee laga dareemayo magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More