Xogta khasaaraha culus ee ka dhashay dagaalka ka dhacay gobolka Mudug

Oct 05 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal qaraari uu shalay ka dhacay meel u dhaxaysa Wisil iyo degaanka Shabeelow oo ay dhowaan qabsadeen ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka.

Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamada degaanka iyo maleeshiyada al-Shabaab.

Laba ilo wareed oo la hadlay Idaacadda VOA, oo codsaday inaan magacooda la sheegin maadaama aan loo oggolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay inay dagaalkan ku dhinteen tobannaan qof oo dhinacyada dagaalamay ah oo ay ku jiraan ilaa 30 ka mid ah ciidamada degaanka.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan magaalada Gaalkacayo.

Mas’uliyiin deegaanka ah ayaa sheegay in Cabdiqani Afyare oo ahaa xoghayihii degmada Gaalkacyo iyo taliyihii ciidamada xasilinta gobolka Mudug oo lagu magacaabi jiray Cali Naasiray ka mid noqdeen dadka dagaalka ku dhintay.

Dagaalka ayaa dhacay kadib markii ciidamo kuwa degaanka ah oo ay la socdaan saraakiil kala duwani, ay u socdaaleen goob taag ah si ay u helaan khadka telefoonka oo ay ku hadlaan, hase yeeshee waxaa dhexda u galay al-Shabaab.

Ciidan gurmad ah oo u tagay iyo al-Shabaab ayaa waxaa dhexmaray dagaal qaraar, taasi oo keentay dhimasho kale.

Dagaalkan ayaa la sheegay in gabalku dhacay iyadoo la is weydaarsanayo rasaaas culus.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dagaalkan ku dileen 58 qof, sheegashadaas oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More