Xogta ninkii labaad oo ciidamadda Mareykanka ay ku dileen Minneapolis

39

Jan 25(Jowhar)-Alex Pretti, oo ahaa nin 37 jir ah, ayaa lagu dilay Minneapolis kadib markii ay la kulmeen wakiillo ka tirsan laanta socdaalka federaalka (ICE).

Wuxuu ka shaqayn jiray kalkaaliye caafimaad (ICU nurse) Isbitaalka VA ee Minneapolis. Qoyskiisa iyo saaxiibbadiis ayaa sheegay inuu ahaa nin naxariis badan oo noloshiisa u huray caawinta dadka.

Wasaaradda Amniga Gudaha (DHS) ayaa sheegtay in Pretti watay bastoolad isla markaana uu iska caabin sameeyay, sidaas darteed saraakiishu ay isku difaaceen. Si kastaba, falanqeyn ku salaysan muuqaal dhacdada laga duubay ayaa muujisay in bastooladda laga qaaday Pretti wax yar ka hor inta aan la toogan.

Booliiska Minneapolis ayaa sheegay in Pretti uu si sharci ah u haystay qori isla markaana uusan lahayn wax dambiyo ah, marka laga reebo xadgudubyo yar yar oo taraafikada iyo baarkinka la xiriira. Waalidkiis ayaa si cad u beeniyay sheegashada DHS, iyagoo sheegay in wiilkoodu uusan khatar ahayn, balse uu isku dayayay inuu difaaco haweeney ku dhoweyd goobta.

Pretti wuxuu bilaabay ka qaybgalka mudaharaadyada ka dhanka ah ICE kadib markii horey wakiil ICE ah u dilay haweeney lagu magacaabo Renee Good. Deriskiisa iyo dadka yaqaanay ayaa ku tilmaamay nin edeb badan, deggan, oo aan khatar ku ahayn dadka kale.