Xogta wadahadalo ay Gaalkacyo ku yeelanayaan Xasan Sheekh iyo Siciid Deni

Aug 22 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Deni oo ku maqan dalka Imaaraadka Carabta ayaa todobaadkan ka degeya magaalada Gaalkacayo, hal kaasi oo la filayo in uu kula kulmo madaxweyne Xasan Shiikh, isaga oo sidoo kalna ka furaya koobka gobollada iyo shirar kale.

Ilo kudhow labada dhinac ayaa xaqiijinaya jiritaanka kukankan oo lagu wado inuu bilow u noqdo wadahadal dhexmara labada madaxweyne oo ujeedkiisu yahay sidii xal loogu heli lahaa mad madow soo kala dhexgalay dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.

Ma cadda in madaxweyne Deni ka qayb-geli doono shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo isna ka furmaya magaalada Dhuusamarreeb, todobaadka soo socda.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab ayaa dooneysa iney hoos u dhigto xiisadaha kala dhexeeya maamul goboleedyada, iyadoo kulanka Xasan iyo Deni uu bilow u noqonayo sidii uu u soo noqon kahaa xiriirka labada dhinac oo xumaa bilihii lasoo dhaafay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More