Xubnaha Guddiga qabashada Doorashada Aqalka Sare Galmudug oo la magacaabay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa magacaabay xubnaha Guddiga ee qabashada Doorashada Aqalka Sare.Xubnahan oo ka kooban 12 xubnood ayaa labo kamid ah waxa ay yihiin dumar waxaana lagu wadaa in uu Madaxweynaha Galmudug uu wareegto ku soo saaro liiska Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ku qulqulayay siyaasiyiin faro badan oo doonaya inay ku soo baxaan liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug.

Halkan ka aqriso wareegtada lagu magacaabay guddiga;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More