Xujeydii u horeysay oo maanta ka duushay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa

Jun. 03 (Jowhar.com)-Waxaa maanta magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa ka duushay xujeydii u horeysay ee sanadan soo gudaneysa acmaasha Xajka, kuwaasoo aadaya wadanka Sucuudi Carabiya.

Garoonka Hargeysa waxaa maanta ka dhoofay 165 xujey ah, halka garoonka Muqdisho ay ka duuleen 422, taasoo ka dhigtau tirada xujeyda maanta guid ahaan dalka ka duushay 587 ruux oo u badan dad da’ ahaan u dhexeeysa 60 ilaa 70 sano jirro.

Wasiirada Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Roobow iyo Wasiirka Caafimaad Dr. Cli Xaaji ayaa garoonka Muqdidho kasoo sagootiyay Xujeydan.

Si kastaba, 11,500 Xujey ah ayaa guud ahaan lasiiyay Soomaaliya oo dalka ka dhoofaya, iyadoo maanta ay dalka ka duuleen 4 duulimaad oo kid kamida ay ka tagtay Hargeysa, halka saddexda duulimaad ee kale ay ka tageen magaalada Muqdisho.

75 Shirkadood ayaa ku guuleystay qaadista xujeyda, balse hal diyaarad oo kaliya ayaa qaadi doonta Xujeyda oo geyneysa wadanka Sucuudi Carabiya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More