Xukun lagu riday Lamaane kooxda Daacish u qaabilsanaa Samaynta Qaraxyada iyo Kaydintiis.

June 16 (Jowhar.com)- Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ayaa maanta xukun ku riday laba qof oo loo soo qabtay falal la xiriira kamid ahaanshaha Kooxda Daacish, kuwaasoo bilihii la soo dhaafay ku jiray gacanta hay’adaha amniga ee dowladda.

Sida wararku sheegayaan, Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim ayaa lagu xukumay min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah kadib markii ay Maxkamaddu sheegtay iney ku heshay Dambiga ah kamid ahaanshiyaha Kooxda Daacish.

 

Magacyada Mustaf iyo Xaawo ayay isku Guursadeen, waxayna si gaar ah u qaabilsanaayeen Samaynta Qaraxyada iyo Kaydintiisa, sida ay shaacisay maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliya.

 

Bishii 3-aad (March) sanadkan ayay Ciidamada Amniga soo xireen, hab raaca maxkamadeed kadib maanta ayay Maxkamadda Xukuntay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More