Xukuno kala duwan oo lagu ridey rag lagu helay dambi musuqmaasuq

Sep 28 (Jowhar.com)-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta Go’aan kasoo saartay kiiska dacwadda la xiriirta kiiska musuq maasuq ee loo heystay Mas’uuliyiin katirsan, Wasaaradda Shaqaada & Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Mas’uuliyiintaan oo Maxkamadeyntooda soo socotay bilihii la soo dhaafay ayaa dadka la maxkamadeeynayay ay isugu jireen kuwo dowladda u xiran iyo kuwo dalka ka maqan, waxaana xukunka oo uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ( Dabaan) ayaa u dhignaa sidatan:

1- Cabdullaahi Maxamuud Cosoble oo ahaa agaasimhii waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu xukumay 1 sano oo xabsi ah.

2- Cumar Macallin Nuur, agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa isna lagu xukumay 1 sanno oo xarig ah

3- Saabir Xasan Cabdinuur, madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka ayaa lagu xukumay saddex sanno iyo lix bilood oo xarig ah

4- Aadan Maxamed Cabdi, maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu waayay dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay, waxayna maxkamaddu dib ugu celisay xoriyadiisa.

5- Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim oo ah maqane, ahaana madax qaybeedka ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan 9 sanno oo xarig ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada xafiis dowladeed si joogta ah.

6- Cabdiwaaxid Mursal Ibraahim oo maqane ah, ahna shaqaale ka tirsan qaybta ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay dhamaan eedeymihii loo haystay, waxayna maxkamadu u celisay xoriyaddiisa.

7- Cabdullahi Maxamed Cali oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

8- Maxamed Cadde Mukhtaar Cabdiraxmaan oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sidoo kale lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

9- Abuukar Maxamed Cali oo ahaa maamulkii xafiiska canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda, laanta garoonka Aadan Cadde ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan 8 sanno oo xabsi ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada shaqo dowladeed.

10- Cabduqaadir Cabdi Socdaal oo isna ahaa qasnajiga qaybta dakhliyada ajaaniibta ee Bankiga Dhexe, laantiisa garoonka Aadan Cadde ayaa lagu waayay dhammaan qodobadii lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

11- Maxamed Aadan Cabdullaahi, ahna maamulka Bangiga dhexe, laanta garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa lagu xukumay 8 bilood oo xarig ah.

Guddoomiyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ( Dabaan) ayaa sheegay in qofkii aan ku qanacsaneyn xukunka uu racfaan ka qadan karo, hayeeshee Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa xukunka eedeysanayaasha Racfaan ka qaadatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More