Xuutiyiinta oo duqeeyay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta

Saddex qof ayaa ku dhimatay, lix kalena waa ku dhaawacmeen magaalada Abu Dhabi, kaddib weerarro looga shakisan yahay inay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka oo ay fuliyeen fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto.

Dab ayaa ka kacay meel lagu kordhiyey madaarka caalamiga ah ee Abu Dhabi, saddex baabuur oo kuwa shidaalka qaada ah ayaa ku qarxay deegaanka Musaffah oo u dhow kaydka kaydka shirkadda ADNOC oo ah shirkadda shidaalka ee dawladda Abu Dhabi.

Hal qof oo Pakistani ah iyo labo u dhashay Hindiya ayaa dhintay kadib markii ay qarxeen baabuurta shidaalka sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Imaaraadka Carabta ee WAM oo soo xiganaysa booliska.

Lixda qof ee ku dhaawacantay weerarka ayaa qaba dhaawacyo fudud iyo kuwo dhexdhexaad ah, sida ay saraakiishu sheegayaan.

Booliska Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in baaritaano horudhac ah ay muujinayaan in la ogaaday walxaha yar yar ee duulaya, lagana yaabo in ay leeyihiin diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka, kuwaas oo ku soo dhacay labada aag, laga yaabo in ay sababeen qaraxa iyo dabka.

Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iran, ayaa sheegtay inay weerarka ku qaadeen Imaaraadka, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin.

Imaaraadku waxa uu Yemen dagaal kula jiray tan iyo horraantii sannadkii 2015-kii, waxana uu xubin muhiim ah ka ahaa isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee bilaabay weerarrada ka dhanka ah Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto, ka dib markii ay kooxdaasi ka awood roonaadeen caasimadda Yemen oo ay awoodda ka saareen dawladda caalamku taageero.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More