Xuutiyiinta oo laga yaabo inay jaraan Xarkaha Internetka Soomaaliya ee Badda Hoosteeda Mara

Feb 07 (Jowhar.com)- Waxaa soo baxaya cabsi ku aadan in Xuutiyiinta Yemen ee maamula inta badan dalka Yemen inay jaraan xarkaha internetka ee badda hoosteeda mara ee loo yaqaan Fiber Obtica.

Xukuumadda sharciga ah ee Yemen oo ah dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Cadan, ayaa ka digtay in Xuutiyiinta, oo qabsaday inta badan Yemen 2014, ay hadda ku hanjabayaan inay waxyeeleeyaan xarkaha isgaarsiinta ee muhiimka ah ee badda hoosteeda, oo ay ku jiraan khadadka internetka, kuwaas oo hoos mara Badda Cas – iskuna xira Aasiya iyo Yurub.

Digniintan ayaa timid ka dib markii kanaal ku xiran Xuuthiyiinta oo ku jira Telegram-ka uu soo dhigay khariidad muujinaysa marinnada xarkaha badda hoosteeda mara ee badda cas.

Xarkaha fiber-ka, oo qaada 17% internetka ee adduunka, waxay yaalaan gunta badda inka badan boqolaal mitir ka hooseeya oogada – aadna uga fog inay gaaraan quusayaasha.

Balse waxaa jira warar sheegaya in Xuutiyiintu aysan awood u lahayn inay jaraan xarkaha badda hoosteeda yaala.
Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay inkasta oo Soomaaliya ay arrinta ay ka qabto walaac la mid ah dunida inteeda kale haddana ay filayaan in kooxdu aysan ku dhiirran karin fulinta weerar noocaas ah.

“Runtii waa jirtaa cabsi badan iyo xaalado kala duwan oo is soo taraya oo laga qabo in kooxda xuutiyiinta ay carqaladeeyna habsami u socdka gancsiga iyo isgaarsiinta aduunka, ayaga oo jaraya xargaha fiber optic-ga” ayuu yir wasiirka.

Inkasta oo uu jiro walaac heer calami ah hadda wasiirku waxa uu tillmaay in Xuutiyiinta aysan lahyeen awoodda ay ku jaraan xargaha mara bada hoosteeda.

“Ganacsi fara badan iyo isgaarsiinta aduunka ayaa ku xiran habsami u socodka xargahaan, waana na samaaynaysa hadii ay dhacdo, laakin awooddaas kooxdu ma lahan” ayuu yiri Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Soomaaliya .

Hase yeeshee Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay in ay jiraan habab kale oo la isticmaali karo hadii la jaro fiilooyinka fiber optic-ga.

“Internet-ka dalka laga isticmaalo oo dhan ma ahan fiber optic-ga kuwa kale ayaa jira taas oo ay gacanta ku hayaan shirkadaha isgaarsiinta dalka “ ayuu yiri wasiir Jaamac Xasan Khaliif oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee Bbcda.

Sida ku cadda xogta rasmiga ah ee ku jirta bogga rasmiga ah Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) Soomaaliya waxaa laga isticmaalaa ilaa afar fiilo oo ah kuwa fiber optic-ga.

Xargaha badda hoosteeda ee fiber optic-ga ee Soomaaliya laga isticmaalo oo afar ah ayaa lagu kala magacaabaa Gulf2Africa, DARE, Peace iyo Eassy. Marka laga reebo Eassy oo gabi ahaanba ku wareegsan qaarada afrika, saddex kale waxaa ay ku dhamaadan geeska ayga oo soo mara badda cas.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More