Xuutiyiinta Yemen oo digniin culus u jeedisay Somaliland

1
Houthi fighters and tribesmen stage a rally against the U.S. and the U.K. strikes on Houthi-run military sites near Sanaa, Yemen, on Sunday, Jan. 14, 2024. (AP Photo)

Dec 28(Jowhar)-Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, Cabdimalik Al-Xuuti ayaa hadal uu soo saaray sida ay baahisay Al Jazeera, wuxuu digniin culus u jeedisay Somaliland, isagoo ugaga digay iney saldhigyo dhulkeeda kasiiso Israel.

Wuxuu yiri ; “Waxaan u aragnaa joogitaan kasta oo Israa’iil ku yeelato dhulka Somaliland  inuu yahay bartilmaameed sharci ah , waxaana beegsan doona ciidankeenna.”

Waa hanjabadii u horreysay oo ka dhan ah Somaliland oo ay soo saarayaan Xuutiyiinta, tan iyo markii ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland, iyadoo warbaahinta Israa’iilna ay maanta baahisay in xiriirka Israa’iil ay la yeelanayso Somaliland u fududeynayo ciidanka cirka Israa’iil inay ka fuliyaan gudaha Yemen— weerarro ka horumarsan weerarradii hore ee Israa’iil ay ka geysatay goobaha ay Xuutiyiintu maamullan ee Yemen.