Yuusuf Dabageed iyo Mowliid Mataan oo gaaray magaalada Jowhar

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeellea Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa waxaa Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdiga la socday kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Faal, Xildhibaano, Wasiiro, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.

Dhinaca kale, wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka heer Federaal Mowliid Mataan, ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Mowliid Mataan iyo wafdigiisa ayaa magaalada Jowhar kulan kula qaatay guddiga maamulka doorashooyinka Hirshabeelle, waxaana sidoo kale, kulanka goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee madaxtooyada Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa lagu wadaa in  uu soo saaro dhawaan Liiska Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka Sare, waxaana uu hore u sheegay Madaxweyne Guudlaawe  in doorashada ay noqon dooto mid kuraasteeda furan yihiin oo Senator loo xirin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More