5,435 Tahriibayaal Soomaali ah oo sanadkan galay Yurub.

0
77

Nov 28(Jowhar)-Tahriibka Soomaalida ayaa saddex jibaarmay sandkan, sida ay warbixin xusub ku sheegtay hay’adda DTM (Displacement Tracking Matrix).

Inta u dhaxaysay bilihii Janaayo ilaa Agoosto, waxaa Yurub gaaray 5,435 muhaajiriin Soomaali ah oo badankoodu maray badda Mediterranean-ka, waxaa sidaas sheegtay DTM.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in Soomaalidu hadda ka yihiin ku dhawaad afar boqolkiiba dhammaan muhaajiriinta gaaray Yurub sanadkan 2025, taasoo ka dhigaysa inay yihiin mid ka mid ah qowmiyadaha ugu badan ee Afrika ka yimaada.

Tirada ugu badan ee Soomaalida la arkay waxay u gudbeen Talyaaniga iyo Isbaanish, halka qaar kalena ay gaareen Giriigga iyo Qubrus.