Sucuudiga oo ka furmayo shir looga hadlayo xad-gudubka Israel ee Aqoonsiga Somailand

331

Jan 10(Jowhar)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sucuudiga, halkaas oo ay sidoo kale gaareen inta badan wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Shirkan oo ay ka qeybgalayaan wasiirrada arrimaha dibadda ee OIC, ayaa lagu wadaa in maanta si gaar ah diiradda loogu saaro xaaladda Soomaaliya, iyadoo la filayo dood iyo go’aan mideysan oo ku saabsan mowqifka dalalka Islaamka.

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa ah ururka labaad ee ugu ballaaran caalamka marka laga reebo Qaramada Midoobay (UN), wuxuuna ka kooban yahay in ka badan 50 dal oo Islaami ah.

Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in ajandaha ugu weyn ee shirku uu yahay sidii loo joojin lahaa duullaanka Israel ee ka dhanka ah Soomaaliya, isla markaana dalalka xubnaha ka ah OIC ay uga wada hadli doonaan qaadashada siyaasad mideysan oo arrintaas la xiriirta.

Sidoo kale, indhaha ayaa lagu hayaa mowqifka dowladaha Baxrayn, Imaaraadka Carabta iyo Marooko, kuwaas oo horay loogu dhaliilay inay gaabiyeen ama hoos u dhigeen cambaareynta Israel. Waxaa la sugayaa khudbadaha ay jeedin doonaan iyo go’aamada ay ka qaadan doonaan qadiyaddan inta uu shirku socdo.

Shirkan Riyaad ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan in si wadajir ah looga falceliyo xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, iyadoo la filayo in warmurtiyeed rasmi ah laga soo saaro gabagabada shirka.