Monday, November 9, 2026
Home NEWS  Masar, Soomaaliya iyo Jabuuti oo isku raacay in amniga Badda Cas ay...

 Masar, Soomaaliya iyo Jabuuti oo isku raacay in amniga Badda Cas ay mas’uul ka yihiin dalalka xeebaha leh

0

Nov 08 (Jowhar)- Dowladda Masar ayaa wadahadallo cusub la yeelatay Soomaaliya iyo Jabuuti, kuwaas oo diiradda lagu saaray iskaashiga labada dhinac iyo amniga gobolka Badda Cas, xilli Itoobiya ay marar kala duwan muujisay doonisteeda ah inay saameyn ku yeelato arrimaha badda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa kulamo la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya iyo Jabuuti, kuwaas oo ka dhacay magaalada Tripoli ee dalka Liibiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulankiisa gaarka ah ee uu la yeeshay wasiirka Masar waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada ay u hayaan midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo sheegay inay diidan yihiin tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa madaxbannaanida dalka.

Kulanka uu la yeeshay dhiggiisa Jabuuti, Badr Abdelatty ayaa carrabka ku adkeeyay in amniga Badda Cas iyo maamulka marin-biyoodkaasi ay mas’uuliyad gaar ah u yihiin dalalka ku teedsan xeebaha Badda Cas, isagoo ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga dalalka gobolka si loo ilaaliyo amniga iyo xorriyadda isu-socodka maraakiibta.

Hadalkan ayaa xambaarsan muhiimad siyaasadeed oo gaar ah, iyadoo Itoobiya oo aan lahayn xeeb ay muddooyinkii dambe ku celcelinaysay baahida ay u qabto marin-badeed iyo helitaanka deked, arrintaas oo muran diblomaasiyadeed ka dhex abuurtay dalalka Geeska Afrika.

Kulamadan ayaa ka dhacay magaalada Tripoli intii uu socday shirkii 22-aad ee Golaha Fulinta ee Ururka Bulshada Dalalka Saaxilka iyo Saxaraha (CEN-SAD).