Jan 12(Jowhar)-Xidhibaanad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Axdiga Xakameynta Tubaakada, waxaana ogolaatay 139-Xildhibaan, seddax Xildhibaan ayaa ka aamustay, wax diidayna ma jirin.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Abshiroow, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada ansixinta, kaddib markii lagu meel mariyay cod gacan taag ah.
Ansixintan ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaadato dadaallada lagu xakameynayo isticmaalka tubaakada, lana dardargeliyo ilaalinta caafimaadka bulshada guud ahaan dalka.










