Justin Davis oo loo Magacaabay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

85

Jan 15(Jowhar)-Dowladda Mareykanka ayaa Justin Davis u magacawday Ku-simaha Safiirka (Chargé d’Affaires, a.i.) ee Soomaaliya, tallaabadan oo lagu xaqiijinayo sii socoshada xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Muqdisho.

Justin Davis ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo howlaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo ka shaqeyn doona hirgelinta siyaasadda “America First” ee Madaxweyne Donald Trump, taas oo mudnaan siinaysa danaha Mareykanka ee dibadda.

Magacaabistan ayaa timid kaddib markii Madaxweyne Trump uu Soomaaliya ku daray dalalka Afrika ee uu dib ugu yeertay safiirradii Mareykanka, arrintaas oo keentay in safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya la macsalaameeyo maalin ka hor.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in xilka uu Justin Davis la wareegay uu muhiim u yahay ilaalinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, iyo wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda iyo horumarinta ee u dhexeeya labada dal.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa hore u xaqiijisay in isbeddelkan uusan saameyn doonin joogitaanka iyo howlaha Mareykanka ee Soomaaliya, balse uu qeyb ka yahay dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo siyaasadda dibadda ee Mareykanka.