Jan 16(Jowhar)-Madaxweynaha xilka haya ee Uganda, Yoweri Museveni, ayaa hoggaaminaya natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada madaxtinimada, kadib markii uu helay 76.25% codadka la tiriyay, oo u dhiganta 3.9 milyan cod.
Musharraxa mucaaradka ee si weyn ula tartamaya, Bobi Wine, ayaa isna helay 19.85%, taasoo ah ku dhowaad 1.3 milyan cod, sida ay muujinayaan tirakoobka rasmiga ah.
Guddiga Doorashooyinka Uganda ayaa sheegay in ilaa hadda 45% xarumaha codbixinta ay soo gudbiyeen natiijooyinkooda, iyadoo tirinta codadku ay weli socoto subaxnimadii hore ee saaka oo Jimce ah.
Mas’uuliyiinta doorashada ayaa shacabka ugu baaqay inay isdejiyaan inta la dhammeystirayo tirinta guud, halka musharraxiinta iyo taageerayaashoodana looga digay inay ka fogaadaan hadallo kicin kara xiisad.
Wararkan ayaa imanaya xilli indhaha caalamku ay ku sii jeedaan hanaanka doorashada Uganda iyo natiijada kama dambaysta ah ee la filayo in saacadaha ama maalmaha soo socda lagu dhawaaqo.









