Booliska Gobolka Banaadir oo mamnuucay in askar hubeysan ay raacaan Mooto Fekon

92

Jan 19(Jowhar)-Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa soo saaray amar rasmi ah oo lagu mamnuucayo in askar hubeysan ay isticmaalaan mootooyinka Fekongudaha caasimadda Muqdisho.

Qoraal digniin ah oo ka soo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay in aysan marnaba bannaaneynin askari hubeysan uu raaco mooto fekon, iyadoo tallaabadan lagu sababeeyay adkeynta amniga iyo kala dambeynta magaalada.

Sidoo kale, Taliska ayaa caddeeyay in aysan oggoleyn in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko gudaha caasimadda, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xakameynayo hubka iyo dhaqdhaqaaqyada amni-darrada keeni kara.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa uga digay dhammaan ciidammada ka tirsan hay’adaha amniga in askarigii jebiya awaamiirtaas laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Amarkan ayaa imaanaya xilli magaalada ay kusoo bateen askarta Mooto Fekon-ta wadata ee dhaca ka geysata caasimadda, waxeyna dowladda iyo hay’adaha amniga ay wadaan qorshayaal lagu xoojinayo nabadgelyada iyo kalsoonida shacabka ee amniga caasimadda.