Mucaaradka oo kudhawaaqay iney qaadayan tillaabooyin kadhan ah madaxweyne Xasan

74

Jan 20(Jowhar)-Xoghayaha Madasha Samata-bixinta, Dr. Mohamed Aadan Koofi, ayaa sheegay in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu maalmahan guda gelayo dood iyo falanqeyn ku saabsan xaaladda guud ee dalka, ilaalinta midnimada qaranka iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dr. Koofi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in goluhu diiradda saari doono qorshe siyaasadeed oo lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliyeed, islamarkaana uu u furan yahay dhammaan dhinacyada doonaya wada-hadal ama leh aragtiyo kale.

Qoraalka uu faafiyey ayaa u qornaa sidan

“Maanta waa 20-ka Jannaayo. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu maalmahan ka arrinsan doonaa xaaladda dalka, midnimada iyo samata-bixinta qaranka. Goluhu wuxuu soo bandhigi doonaa qorshe howleed siyaasadeed oo lagu badbaadinayo dowladnimada, wuxuuna diyaar u yahay cid kasta oo kala doodaysa ama ra’yi kale haysa. Muwaaddin maanta ayuu kuugu baahi badan yahay qarankaagu ee ha ku habsaamin doodaha aan daacadda laga ahayn iyo ismoodsiiska hoggaannada fashilmay.”

Qoraalkaasi ayaa Jawaab u ahaa warqadii xalay xafiiska ra’iisul wasaaraha laga soo saaray ee lagu iclaaminayay shir 6-da bisha soo socota ay isugu imanayaan dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

Hadalkan ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni, kuwaas oo sare u qaaday baahida loo qabo wada-tashi qaran iyo midnimo siyaasadeed.