Kooxda Shabaab weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka Kudhaa

86

Jan 21(Jowhar)-Malayshiyaadka argagixisada ah ayaa saakay weerar kula jarmaaday deegaanka Strategy ah ee Kudhaa halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidanka Jubbaland.

Warar laga helayo deegaanka ayaa soo sheegay jn ciidanka Jubbaland iska caabiyeen weerarka uuna socdo dadaalo lagu dabagalayo kooxda weerarka soo qaaday.

Dhanka kale baraha kuuxdu ku fidiso dacaayadeeda ayay ku sheegteen in ay la wareegeen 3 saldhig, ciidana nolosha ku qabteen. Ciidanka Jubbaland ayaa deegaanka mar sii horaysay kala wareegay Ciidanka AUSSOM.

Deegaanka oo ah Jasiirad muhiim ah waxa uu u dhexeeyaa Kismaayo iyo Raaskambooni.