Jubaland oo soo bandhigtay khasaaraha Shabaab ay ku gaarsiisay weerarkii Kudhaa

92

Jan 22(Jowhar)-Jubbaland ayaa shaacisay in ay soo gabagabaysay kooxo Argagixiso oo shalay gudaha u galay magaalada Kudhaa, waxaana JL ay sheegtay in Boqolaal katirsan kooxaha Argagixiso ladilay, Tobanaan Maxaabiis ah ay hayso, sidoo kalena ay gubtay 10 Baabuurta dagaalka ah oo hub culus saarnaa.

Howlgalkan ayay Jubbaland kaga hortagaysay in shalay argagixisadii gashay Kudhaa ay si nabadgalyo ah kubaxaan, taas oo noqonaysa dabargoynta kooxahan Argagixiso, oo horey awood ugu heli jiray in ay hub qaatan iskana laabtaan, laakiin Jubbaland ayaa taas diiday.

Isgaarsiinta oo shalay lajaray ayaa maanta hawada kusoo laabatay.