Xildhibaano Saxiixay Mooshin ay ku diidan yihiin wax ka bedelka Dastuurka

59

Jan 26(Jowhar)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixay mooshin ay ku diidan yihiin wax-ka-beddel lagu sameeyo Dastuurka Federaalka, sidoo kalena ay kaga soo horjeedaan inuu sii furnaado kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka.

Xildhibaanada saxiixay mooshinkan ayaa ku dooday in wax-ka-beddelka dastuurka uusan ahayn mid hadda mudnaan leh, isla markaana aysan jirin is-afgarad siyaasadeed oo ku filan oo lagu sii wado howsha dhameystirka cutubyada harsan.

Mooshinkan ayaa kusoo aadaya xilli Madaxtooyada Soomaaliya ay waddo dadaallo ay ku doonayso in lagu dhameystiro cutubyada weli ka harsan Dastuurka Kumeelgaarka ah, taas oo u baahan in Baarlamaanka Federaalka uu sii shaqeeyo, arrintaas oo ay si cad uga soo horjeesteen qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka.

Illaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ama Hoggaanka Baarlamaanka oo si faahfaahsan uga jawaabaya mooshinkan, balse arrintan ayaa la filayaa inay dhaliso dood iyo is-mariwaa siyaasadeed oo xooggan.