Guddiga Dib U Eegista Dastuurka oo Laba Garab U Kala Jabay

78

Jan 27(Jowhar)-Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal, Senator Cabdirisaaq Cismaan iyo xubno kale oo weheliya ayaa si cad u qaaddacay dhamaystirka Dastuur baddalka.

Senator-ka oo ay wehliyawn xildhibaqn Cabdullaahi Carab iyo Xilehibaan Xayle ayaa sheegay inay gabi ahaanba ka baxeen hawshaas, maadaama Maamul-Goboleedyadii ay matalayeen laga saaray wada-tashiyada iyo go’aannada masiiriga ah.

Tallaabadan ayaa timid xilli Senator Cismaan uu Axadii kulan la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo muujinaysa is-beddel deg-deg ah iyo is-mari-waa baahsan oo weli ka dhex taagan Villa Somalia iyo maamulada dalka.