Sept 19 (Jowhar)- Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyey baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta, kuwaas oo sheegayay in Soomaaliya ay xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Turkiga.
Waaxda Turkiga u qaabilsan la dagaallanka wararka been abuurka ayaa sheegtay in wararkaasi ay yihiin xog aan sal lahayn oo lagu marin habaabinayo bulshada.
Qoraalka ka soo baxay waaxdaasi ayaa lagu sheegay in aysan wax isbeddel ah ku imaan shuruudihii hore ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Turkiga ee la xiriiray socdaalka iyo fiisaha.
Sida ay sheegtay dowladda Turkiga, muwaadiniinta labada dal ayaa weli ku socda nidaamka fiisaha ee labada dhinac ka dhexeeya, iyadoo aan la soo rogin wax xayiraad cusub ah ama wax ka beddel lagu sameeyay shuruudihii jiray.
Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in wararka sheegaya in Soomaaliya ay xayiraad fiiso saartay muwaadiniinta Turkiga ay yihiin isku day lagu dhaawacayo xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Waaxda la dagaallanka wararka been abuurka ee Turkiga ayaa xustay in xiriirka labada dal uu sannadihii u dambeeyay sii xoogeysanayay, iyadoo labada dhinac ay leeyihiin iskaashi muddo dheer soo jiray.
Dowladda Turkiga ayaa bulshada ugu baaqday inaysan rumaysan wararka aan salka lahayn, ayna ku tiirsanaadaan oo keliya wararka iyo bayaannada ay soo saaraan hay’adaha rasmiga ah ee ay khusayso.
Wararka ku saabsan xayiraadda fiisaha ayaa kusoo aadaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu ku salaysan yahay iskaashi dhinacyo badan leh, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha diblomaasiyadda.





