Dowladda Soomaaliya oo dib u celisag Agab iyo Raashin ay kala baxday bakhaarka WFP

78

Jan 27(Jowhar)-l Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dib loo soo celiyay agabkii iyo raashinkii laga qaatay kaydka raashinka Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee ku yaalla gudaha dekedda magaalada Muqdisho.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay muujinayso sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta gargaarka bani’aadannimo iyo hubinta in uu si sax ah u gaaro dadka loogu talagalay.

Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ballanqaadday wadashaqayn dhow oo ku dhisan daahfurnaan iyo isla-xisaabtan, si looga hortago in mar kale ay dhacaan falal la mid ah kuwii bishii hore, kuwaas oo sababay in dowladda Mareykanka ay hakiso kaalmadii ay siin jirtay guud ahaan Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa xustay in dowladda ay ka shaqeynayso xoojinta nidaamyada la socodka gargaarka, si dib loogu soo celiyo kalsoonida beesha caalamka loona xaqiijiyo sii socoshada taageerada bani’aadannimo ee dalk