Weerar lagu qaaday Ilhan Cumar xili ay khudbad jeedineysay

91

Jan 28(Jowhar)-Ilhaan Cumar ayaa lasoo weeraray iyadoo jeedinausa qudbad ka dhan ah xoghayaha wasaarada amniga gudaha Maraykanka Kristi Neoam.

Nin cadaan ah oo cunsuri ah ayaa cirbad sun ah ku weeraray Ilhaan Cumar , balse si geesinimo leh ayay isaga caabisay.

Ilhaan waa ka badbaaday weerarka bahalnimada ah ee lagu soo qaaday.

Dhinaca kalena, Ninka lagu eedeeyay weerarka lagu qaaday Xildhibaanad Ilhan Omar ayaa la aqoonsaday inuu yahay Anthony J. Kazmierczak, oo 55 jir ah, sida uu xaqiijiyay afhayeen ka tirsan Waaxda Booliiska Minneapolis.

Kazmierczak waxaa hadda lagu hayaa Xabsiga Degmada Hennepin, sida ku cad diiwaannada xarigga.